(Yurub) 06 Agoosto 2021. Barcelona ayaa xalay si lama filaan ah ugu dhawaaqday in Lionel Messi uu ka tagay kooxda, kaddib markii lagu guuldarreystay inuu cusbooneysiiyo qandaraaskiisa, kaasoo dhacay bishii July ee la soo dhaafay.
Shabakada “Goal” ayaa shaacisay in Paris St Germain ay hoggaamineyso liiska kooxaha ku tartamaya inay la saxiixdaan xiddiga reer Argentina Lionel Messi, kaddib markii uu ka tagay Barcelona.
Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in Paris Saint-Germain ay ugu dhowdahay helitaanka adeega Lionel Messi, laakiin waxay u baahan tahay in si dhaqso ah loo xaliyo heshiiska.
Dhinaca kale Shabakada “Goal” ayaa tilmaamtay inay wali jiraan warar mala awaal ah ee sheegaya in Barcelona ay doonayso inay cadaadis ku saarto maamulka horyaalka La Liga inuu u ogolaado diiwaan galinta Messi ee ah heshiis cusub, inkasta oo ay jirto xiisad dhaqaale xumi oo ay kooxda ku jirto, sidaas darteed Paris waa inay si dhaqso leh wax uga qabataa ka hor inta aan la badelin go’aankan.
Dhinaca kale Shabakadda caanka ah ee “The Athletic” ayaa tilmaamtay in Lionel Messi uu durba la hadlay tababaraha hadda ee Paris Saint-Germain Mauricio Pochettino, taasoo ka dhigeysa talaabo weyn oo xaqiijineysa in laacibka reer Argantina uu ku sii dhawaanayo ku biirista safka kooxda weyn ee reer France.
Gool FM.