(Paris) 06 Agoosto 2021. Tababaraha Paris Saint-Germain ee Mauricio Pochettino ayaa xaqiijiyay in kooxda ay dooneyso saxiixa Lionel Messi, kaasoo si rasmi ah uga tagay Barcelona.
Barcelona ayaa xalay si lama filaan ah ugu dhawaaqday in Lionel Messi uu ka tagay kooxda, kaddib markii lagu guuldarreystay inuu cusbooneysiiyo qandaraaskiisa, kaasoo dhacay bishii July ee la soo dhaafay.
Lionel Messi ayaa lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Paris Saint-Germain tan iyo xagaagii la soo dhaafay, waxaana jiray hadal heyn ku saabsan heshiiskan saacadihii la soo dhaafay, gaar ahaan tan iyo markii xiddiga reer Argentina uu sawir la galay Neymar iyo saddex ciyaaryahan kale oo PSG ah.
Haddaba Mauricio Pochettino ayaa qirtay in kooxdiisa Paris Saint-Germain ay dooneyso inay la saxiixato Lionel Messi, sida lagu daabacay warbixin uu soo xigtay wargeyska “Sport” ee dalka Spain, waxaana uu yiri:
“Dabcan waa suurtagal, kooxda ayaa ka shaqeyneysa, iyo haddii ay jirto nooc kasta oo macluumaadka ku saabsan waan soo bandhigi doonnaa anaga oo aan faahfaahin dheeraad ah gelin.”
Illaa iyo hadda, Lionel Messi halka uu ku sii jeedo weli si buuxda uma cadda, in kasta oo ilaha oo dhami ay xaqiijinayaan in Paris Saint-Germain ay ugu dhowdahay inay ku guuleysato saxiixiisa, laakiin waxaa laga yaabaa inaan aragno waxyaabo yaab leh oo cusub maalmaha soo socda.
Gool FM.