(Paris) 30 Agoosto 2021. Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa maanta oo Isniin ah u qabatay dhiggeeda Paris Saint-Germain inay kasoo jawaabto dalabkii ugu dambeeyay oo ay ka gudbisay Kylian Mbappe.
PSG ayaa goor hore iska soo diidday dalab ay Los Blancos u gudbisay kaasoo ku aaddan saxiixa Mbappe isla markaana ku kacayay 137 milyan oo gini.
Hase ahaatee, Madrid oo aan ka quusan lasoo saxiixashada weeraryahanka Faransiiska ah ayaa 146.6 milyan oo gini ka dhigtay dalabkii dambe kaasoo aysan wali kasoo jawaabin naadiga ku ciyaarta Parc des Princess.
Jariiradda MARCA ee kasoo baxda Spain ayaa sheegtay inay kooxda La Liga ugu guulaha badan u qabatay PSG inay maanta kasoo jawaabto yaboohii ugu dambeeyay, haddii ay aqbali weysana ay xagaagan isaga hari doonto doonista Mbappe.
Maadaama qandaraaska 22-sano jirkan uu dhacayo xagaaga dambe, Real Madrid ayaa ku kalsoon inay bilaash ku heleyso marka uu dhammaado xilli ciyaareedkan, sidaas darteed, go’aan adag ayaa horyaalla PSG kaasoo ay ku kala dooraneyso lacagta miiska u saaran ama bilaha xiddiga kaga harsan heshiiskiisa inuu u ciyaaro.
Gool FM.