(Paris) 30 Agoosto 2021. Wararka ka imaanaya Spain iyo France ayaa waxay xaqiijyeen in Real Madrid ay joojisay wada xaajoodkii ay kula jirtay Paris Saint-Germain si ay ula saxiixato Kylian Mbappe.
Wargeyska “Marca” ee dalka Spain ayaa sheegay in Real Madrid loo arko maanta inay tahay maalintii ugu dambeysay si ay u dhageysato jawaabta Paris Saint-Germain ee ku saabsan dalabkoodii ugu dambeeyay ay ka gudbiyeen Mbappe, kaasoo gaaraya 170 million euros.
Warbixin ay daabacday shabakada “RMC” ee dalka France ayaa lagu sheegay in Real Madrid ay joojisay wada xaajoodkii Kylian Mbappe, waxaana wakiilada Real Madrid ee Paris laga soo xigtay inay xaqiijinayaan inay joojiyeen wada xaajoodkii.
Wararka ayaa waxay sidoo kale sheegayaan inay wax walba dhici karaan ilaa dhammaadka suuqa kala iibsiga ee 31-ka August.
Kylian Mbappe ayaa muujiyay in ka badan hal mar rabitaankiisa ah inuu matalo maaliyada kooxda Real Madrid, si taas loo gaaro, wuxuu diiday inuu cusbooneysiiyo qandaraaskiisa kooxda Paris Saint-Germain.
Taageerayaasha Real Madrid ayaa rajaynaya in maamulka uu ku guulaysan doono in Mbappe lagu soo daro kooxda, si loo xoojiyo safka weerarka ee naadiga inta lagu guda jiro xilli ciyaareedkan, oo ay la kulmayaan caqabado waaweyn, ha ahaato horyaalka Spain ama Champions League.
Gool FM.