(Paris) 31 Agoosto 2021. Kylian Mbappe ayaa sii joogi doona Kooxdiisa PSG xilli ciyaareedkan oo aan ka dhaqaaqi doonin suuqa xagaagan kaddib markii ay Real Madrid isaga baxday raacdadii ay ugu jirtay saxiixiisa.
Los Blancos ayaa xaqiiqsatay in aysan Kooxda Paris Saint-Germain diyaar u ahayn inay iibiso Kylian Mbappe, Weeraryahanka reer France ayaana afka furtay oo ka baxay aamusnaantii uu ku jiray.
Waxaa la filayay in Kylian Mbappe uu xagaagan u wareegayo Real Madrid, laakiin sheekadaas ayaa haatan soo dhammaatay kaddib markii ay burbureen wadahadalladii u dhexeeyey Kooxaha Los Blancos iyo PSG oo ay wax horumar ah laga sameyn waayey.
Markii hore waxa ay Real Madrid kalsooni dheeri ah ku qabtay inay 200 oo milyan oo euro ku heli kartay Kylian Mbappe, kaasoo ahaa dalabkii ugu dambeeyey ee saddexaad oo ay ka gudbisay kooxda reer Spain Weeraryahankaan, balse PSG ayaa ku adkeysatay go’aankeedii hore ee ahaa inaysan iska iibin doonin Weeraryahankeeda.
Kylian Mbappe oo kal ciyaareedkan ku sii nagaan doona Kooxdiisa reer France ee PSG ayaa ka garab ciyaari doono labada Weeraryahan ee Messi iyo Neymar, laakiin lama hubo inuu heshiis cusub u saxiixi doono iyo inuu si hor ah uga tagi doono PSG xagaaga soo aaddan.
Wargeyska L’Equipe ee ka soo baxa Faransiiska ayaa warinaya in PSG ay xitaa markale iska diiday dalabkii ugu dambeeyey ee Los Blancos ay soo bandhigtay kaasoo ahaa 200 milyan oo euro, sidaas darteedna ay Real Madrid go’aansatay inay isaga baxdo gebi ahaanba doonista Mbappe xagaagan.
Geesta kale, Kylian Mbappe ayaa markii ugu horreysay waxa uu ka hadlay arrimaha ku saabsan mustaqbalkiisa iyo sida uu yahay haatan dareenkiisa kaddib markii ay PSG diidday inuu u dhaqaaqo dhinaca Real Madrid oo uu isagu doonayey in laga iibiyo.
Xiddigan oo riyadiisu tahay inuu mar uun ka ciyaaro garoonka Santiago Bernabeu, kuna rajo weynaa inuu riyadaasi rumeeyo xilli ciyaareedkan ayaa isagoo ku sugan xerada tababarka xulkiisa qaranku isugu diyaarinayo kulammada isreeb-reebka KOobka Adduunka ee Clairefontaine waxa uu yiri:-
“Waan fiicanahay, waanan degganahay.” Intaas kaddibna waxa uu hore ugu sii socday garoonka tababarka, markii uu ka jawaabay su’aal uu weydiiyey Wariye ku sugnaa xerada tababarka xulka Faransiiska.
Gool FM.