Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Jürgen Klopp oo ugu baaqay maamulka Liverpool inay la saxiidaan xiddig ka tiran Barcelona

$
0
0

(Liverpool) 11 Okt 2021. Sida ay shaaca ka qaadeen wargeysyada Spain maanta oo Isniin ah, kooxda Liverpool ayaa siixo weyn u qabta saxiixa mid ka mid ah xiddigaha Barcelona, marka la gaaro suuqa ciyaartoyda ee ​​xagaaga soo aadan.

Sida laga soo xigtay wargeyska “Mundo Deportivo”, tababaraha Liverpool ee Jürgen Klopp ayaa ka codsaday maamulka kooxdiisa inay la soo saxiixdaan xiddiga reer France ee Ousmane Dembele, sababtoo ah awooddiisa weyn.

24 jirka reer France ayaa wuxuu qandaraaskiisa kooxda Barcelona dhacayaa dhammaadka xilli ciyaareedkaan, walina ma uusan la gaarin wax heshiis ah maamulka Barca si uu u cusbooneysiiyo heshiiska.

Liverpool transfer news: Jurgen Klopp wants Ousmane Dembele with Barcelona  to sell at £85m | Football | Sport | Express.co.uk

Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in Mike Edwards, oo ah agaasimaha ciyaaraha Liverpool, uu durba bilaabay diyaarinta hannaanka dhaqaale ee lagu xallinayo heshiiska.

Wargeyska “Mundo Deportivo”, ayaa wuxuu tilmaamay in Liverpool aysan ahayn kooxda kaliya ee dooneysa inay la saxiixato Dembele, maadaama ay jirto rabitaan dhanka Chelsea ah, gaar ahaan tababaraha reer Germany ee Thomas Tuchel, kaasoo macalin ugu soo noqday waayihiisii Borussia Dortmund si fiicanna u yaqaan awoodiisa ciyaareed.

Si la mid ah kooxaha Paris Saint-Germain, Juventus, Manchester United iyo Manchester City, ayaa dhammaantood raacdo ugu jira inay gacanta ku dhigaan adeega Ousmane Dembélé.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles