Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Lewandowski oo si xiiso leh kaga hadlay musharaxnimadiisa ku guuleysiga abaal-marinta Ballon d’Or

$
0
0

(Munich) 11 Okt 2021. Weeraryahanka kooxda Bayern Munich ee Robert Lewandowski ayaa xaqiijiyay inuu rajeynayo inuu ku guuleysto abaal-marinta Ballon d’Or sanadkan 2021, marka loo eego guulaha uu ka gaaray heerarka kala duwan ee Bavarian-ka.

Magaca Robert Lewandowski wuxuu ka dhex muuqdaa musharixiinta ugu cadcad ee ku guuleysan kara abaal-marinta Ballon d’Or, gaar ahaan kaddib markii uu ku guuleystay kabta dahabka ah ee Yurub xilli ciyaareedkii 2020/21 isagoo dhaliyay 41 gool, wuxuuna ka saramaray dhammaan weeraryahanada kooxaha waaweyn ee Yurub.

Wargeyska “Marca” ee dalka Spain ayaa soo xigtay wareysi xiiso badan uu Robert Lewandowski kaga hadlay fursadiisa ku aadan inuu ku guuleysan karo abaal-marinta Ballon d’Or, wuxuuna yiri:

“Suurtagalnimada ku guuleysiga Ballon d’Or micno weyn ayay ii leedahay, taasi waxay iga dhigeysaa inaan dareemo sharaf.”

“Haddii aad fiiriso waxa aan ku guuleystay kaliya ma ahan sanadkan balse sidoo kale sanadkii la soo dhaafay, koobab badan ayaan ku guuleysatay, waxaan dhaliyay goolal badan.”

“Wax weyn bay ii noqon lahayd inaan ku guuleysto Ballon d’Or, waxaan ku guuleystay Champions League, UEFA Super Cup, Club World Cup, jabinta rikoodhka Gerd Muller ee horyaalka Germany sidoo kale waxay ahayd guul weyn.”

“Guulaheyga ayaa iska hadlaaya, sababtoo ah labadii sano ee lasoo dhaafay waxaan gaaray guul weyn, aniga kaliya ma ahan, laakiin ciyaaryahan kasta oo taariikhda galay.”

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles