(Yurub) 12 Okt 2021. Wargeyska L’Equipe ee ka soo baxa Faransiiska ayaa shaaciyey magacyada Shan ciyaaryahan, kuwaasoo ku guuleysan kara Abaal-marinta Ballon d’Or sanadkan 2021.
Messi iyo Ronaldo ayaa ka mid ah shanta xiddig ee ku guuleysan kara abaal-marinta Ballon d’Or oo uu magacaabay Wargeyska L’Equipe.
Wargeyska Faransiiska ah ee L’Equipe ayaa saadaalinaya in xiddiga Kooxda Paris Saint -Germain ee Neymar Jr uu ku dhibtoon doono codadka uu heli doono si uu u helo abaal-marintiisii ugu horreysay ee Ballon d’Or, waxaana Wargeysku uu magacaabay Shanta ciyaartoy ee laga soo dooran doono ku guuleystaha abaal-marintan.
Abaal-marinta Ballon d’Or ee qiimaha leh ayaa la baajiyay bixinteeda sanadkii 2020, sababtuna waxa ay ahayd caabuqa Faafa ee Korona Fayras, laakiin waxaa sanadkan lagu bixin doonaa magaalada Paris, gaar ahaan Tiyaatarka du Chatelet 29-ka bisha November 2021.
Laakiin Wargeysku ma filayo in mid ka mid ah xiddigaha reer Brazil uu Magaalada Paris kor ugu qaadi doono abaal-marinta shaqsiga ah sanadkan, taas beddelkeeda wuxuu soo xushay Wargeysku shanta xiddig ee midkood uu ku guuleysan karo abaal-marintan kuwaasoo kala ah; Jorginho, Cristiano Ronaldo, Karim Benzema, Robert Lewandowski iyo Lionel Messi.
Gool FM.