(Paris) 05 Feb 2017 Laacibka reer Jarmal ee dhawaantaan ku biiray kooxda PSG ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa in Mesut Ozil uu kula soo biiro kooxda reer France.
Julian Draxler ayaa qaab ciyaareed fiican ku qaadanaya kooxdiisa PSG tan iyo markii uu ku biiray, wuxuuna dhaliyay 4-gool 6-kulan oo uu u saftay.
23 jirkaan ayaa la waydiiyay hadii uu jiro laacib Jarmal ah oo uu jeclaan lahaa inuu kula soo biiro PSG, wuxuuna ku jawaabay isaga oo la hadlayay beIN Sports:
“Laacibka kaliya ee Jarmalka ah ee aan jeclahay inaan ku arko halkaan waa Mesut Ozil” ayuu yiri Julian Draxler.
Hal xiliciyaareed oo kaliya ayaa Ozil uga haray qandaraaskiisa kooxda Arsenal, laakiin hakad ayaa ku yimid wadahadaladii heshiis kordhintiisa.
Ozil ayaa sheegay bishii hore inuu diyaar u yahay inuu heshiis cusub u saxiixo kooxdiisa, balse sidoo kale uu doonayo inuu ogaado sida uu noqdo mustaqbalka tababare Wenger ee dhamaadka xiliciyaareed kan.
Gool FM