(London) 03 Feb 2017 Tababaraha kooxda Arsenal ee Arsene Wenger ayaa ka hadlay xiisaha kooxdiisu ay u qabto weerar yahanka da’da yar ee kooxda Monaco Kylian Mbappe.
Laacib kaan oo ah 18 jir ayaa qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigaya kooxdiisa Monaco xiliciyaareed kan, waxaana si wayn u doonaya intabadan kooxaha yurub ugu wayn.
Wenger ayaa xaqiijiyay inuu sifiican ula socdo xaalada Kylian Mbappe isla markaana uu aad u garanayo, wuxuuna intaa u daray inuu meelo badan uga egyahay kabtankii hore ee Arsenal Thierry Henry.
“Mbappe wuxuu u egyahay Henry, ma ahan dhan walba laakiin waxay leeyihiin tilmaamo isku mid ah, hadii uu lamid yahay Henry waa uu gaari doonaa heerkiisa 2 ilaa 3-da sano ee soo socota” ayuu yiri Arsene Wenger.
“Shaki kuma jiro inaan sifiican ula socdo isla markaana aan si wanaagsan u garanayo, waa laacib orod badan sida Henry oo kale, wuxuuna awoodaa inuu goysmo ku dhaafo ciyaaryahanka hortaagan, dhab ahaan waa uu noqon doonaa Henry-ga cusub”.
“Waxaan rumaysanahay in Monaco ay heshiis cusub ka saxiixday xiliciyaareedkii hore, kooxdiisa ayaana go’aan ka gaari karta mustaqbalkiisa”.
Gool FM