(Paris) 07 Nof 2021. Sergio Ramos ayaan ka fikirayn inuu isaga tago kooxdiisa PSG, inkastoo uu dhaawac halis ah ku bilaabay noloshiisa Naadiga reer France sida uu sheegay walaalkiis ahna wakiilkiisa ee Rene.
Ramos ayaan weli hal daqiiqo u ciyaarin hoggaamiyayaasha horyaalka Ligue 1 tan iyo markii uu suuqii xagaaga kaga soo biiray dhinaca Real Madrid, sababtoo ah dhibaato dhanka kubka ah ayuu ka sheeganayaa.
Taas ayaa keentay in la isla dhex maro in kooxda PSG ay ka fiirsanayso inay burburiso qadnaraaska uu kula joogo daafacan reer Spain.
Yeelkeede, wararkaas oo dhan waxaa waxba kama jiraan ku tilmaamay oo hoos u dhigay wakiilka Sergio Ramos ee Rene oo shaaca ka qaaday in ciyaaryahanku uusan ka fikiraynin inuu isaga tago haatan kooxda ka dhisan caasimadda Faransiiska.
Gool FM.