Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Paul Pogba oo dhaawac ku seegaya kulammada isreeb-reebka Koobka Adduunka ee xulka qaranka Faransiiska

$
0
0

(Paris) 09 Nof 2021. Paul Pogba ayaa seegaya kulammada isreeb-reebka Koobka Adduunka ee xulkiisa qaranka Faransiiska uu wajahayo xulalka Kazakhstan iyo Finland kaddib markii dhaawac bowdada ah uu soo gaaray.

Ciyaaryahanka kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa isaga baxay tababarka xulkiisa qaranka Faransiiska kaddib markii uu dhaawac soo gaaray sida uu warinayo dhakhtar Franck Le Gall.

“Paul Pogba waxa uu ku qasban yahay inuu ka maqnaado labada kulan ee soo socda xulka qaranka Faransiiska ee Parc des Princes ay ku wajahayaan Kazakhstan iyo kulanka Finland ee ka dhacayaHelsinki.” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay xiriirka kubada cagta Faransiiska.

Pogba ayaa booskiisa xulka waxaa lagu beddelayaa ciyaaryahanka kooxda AS Roma ee Jordan Veretout.

Waxa uu Pogba ganaax ku seegay labadii kulan ee ugu dambeeyey oo ay kooxdiisa Manchester United ciyaartay horyaalka Premier League, kuwaasoo kala ah 2-0 guuldarro ah oo ay kala kulmeen Manchester City iyo 3-0 guul ah oo ay ka gaareen Tottenham, kaddib markii uu kaarka cas qaatay kulankii ay guuldarro 5-0 kala kulmeen kooxda Liverpool.

Laakiin Macallinka xulka qaranka Faransiiska ee Didier Deschamps ayaa sheegay in Pogba uu ahaa mid faraxsan, isagoo ku biiray xiddigaha ay ka wada tirsan yihiin xulk qaranka ka hor inta uusan dhaawacmin.

Xulka qaranka Faransiiska ayaa hoggaaminaya Guruubka D, iyagoo 12 dhibcood ka helay lix kulan oo ay ciyaareen, guul ay ka gaaraan Kazakhstan ayaana u xaqiijin doonta inay u soo baxaan koobka Adduunka ee sanadka soo socda.

Xulka Faransiiska ayaa marka ay la ciyaaraan Kazakhstan sidoo kale waxa ay u safri doonaan dhiggooda Finland Talaadada soo soo aaddan.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles