(Barcelona) 10 Nof 2021. Xiddiga kooxda Paris Saint-Germain ee Lionel Messi ayaa lagu soo warramayaa inuu kusoo laaban karo Barcelona xagaaga 2023.
Wargeyska Spain kasoo baxa ee MARCA ayaa sheegay inuu Messi kusoo laaban karo Barca inta uusan soo af-jarin waayihiisa ciyaareed iyo inay naadiga ku ciyaarta Camp Nou ku howlan tahay sidii ay xiddigan usoo ceshan lahayd marka uu dhammeysto qandaraaskiisa 2023.
Kabtanka xulka qaranka Argentina ayaa xagaagii ugu biiray PSG qandaraas labo sano ah oo dhacaya bisha June ee 2023 inkastoo uu heshiisku ku jiro qodob u ogolaanaya kooxda Faransiiska ah inay hal sano ku kordhin karto heshiiskiisa.
Si kastaba ha ahaatee, 34-sano jirkan ayaa 17 xilli ciyaareed ku qaatay Barcelona kahor inta uusan xagaagan bilaash kaga dhaqaaqin kaddib markii ay awoodi weysey inay heshiiska u kordhiso sababo dhaqaale xumo darteed.
Gool FM.