(Paris) 14 Nof 2021. Waxaa isbeddel ku yimid liiska kala sarreynta xiddigaha ugu goolasha badan xulka qaranka Faransiiska kaddib markii ay xalay shabaqa gaareen oo ay goolal dhaliyeen Antoine Griezmann iyo Karim Benzema.
Mbappe ayaa xalay afar gool dhaliyey kulankii xulkiisa France uu 8-0 ku garaacay Kazakhstan, waxaana uu sidaas ku barbareeyey rikoor xulkiisa u yaalay muddo 63 sanadood ah.
Kylian Mbappé ayaana noqday ciyaaryahankii ugu horreeyey ee afar gool hal kulan u dhaliya xulka Faransiiska tan iyo Just Fontaine oo sidaas oo kale sameeyey bishii June ee sanadkii 1958-kii, kulan ay wajahayeen West Germany, waxaana uu kulankaas dhaliyey Fontaine 4 gool.
Karim Benzema ayaa isaguna kulankaas labo jeer shabaqa soo taabtay, halka labada gool ee kale ay kala dhaliyeen Adrien Rabiot iyo Antoine Griezmann, taasoo xulka Les Bleus uu ku xaqiijistay u soo bixitaankiisa Koobka Adduunka ee lagu qabanayo dalka Qatar sanadka 2022.
Kaddib goolasha ay dhaliyeen xalay Benzema iyo Griezmann, waxaa isbeddel ku yimid liiska kala horreynta xiddigaha ugu goolasha badan xulka qaranka Faransiiska taariikhda.
Ciyaaryahanka ugu goolasha badan xulka qaranka France taariikhda waa Thierry Henry oo xulkiisa u dhaliyey 51 gool, halka kaalinta labaad uu ku jiro Olivier Giroud oo dhaliyey 46 gool.
Waxaase xalay kaalinta saddexaad soo galay kaddib goolkii u dhaliyey Antoine Griezmann, waxaana uu haatan leeyahay Weeraryahanka Atletico Madrid 42 gool, isagoo ka sare maray Michel Platini oo 41 gool leh.
Karim Benzema ayaa labadii gool ee uu xalay dhaliyey waxa ay ka caawisay inuu ka soo muuqdo shanta sare ee xiddigaha ugu goolasha badan taariikhda xulka Faransiiska, Weeraryahanka Real Madrid ayaa haatan xulkiisa u dhaliyey 35 gool, isagoo ka sare maray David Trezeguet oo 34 gool iyo Zinedine Zidane oo 31 gool u dhaliyey xulka.
Dhinaca kale da’yarka kooxda PSG ee Kylian Mbappé ayaa xulkiisa Faransiiska u dhaliyey haatan 23 gool, taasoo ka dhigan inuu ku jiro kaalinta 12-aad ee xiddigaha ugu goolasha badan xulka, inkastoo uu kaliya jiro 22 sano.
Haddaba halkaan hoose ka eeg shanta ciyaaryahan ee ugu goolasha badan taariikhda xulka qaranka Faransiiska:-
1- Thierry Henry – 51 gool
2- Olivier Giroud – 46 gool
3- Antoine Griezmann – 42 gool
4- Michel Platini – 41 gool
5- Karim Benzema – 35 gool
Gool FM.