(Paris) 14 Nof 2021. Kylian Mbappe ayaa barbareeyey rikoor xulka qaranka Faransiiska u yeelay muddo 63 sano ah.
Mbappe ayaa xalay afar gool dhaliyey kulankii xulkiisa France uu 8-0 ku garaacay Kazakhstan, waxaana uu sidaas ku barbareeyey rikoor xulkiisa u yaalay muddo 63 sanadood ah.
Karim Benzema ayaa isaguna kulankaas labo jeer shabaqa soo taabtay, halka labada goo lee kale ay kala dhaliyeen Adrien Rabiot iyo Antoine Griezmann, taasoo xulka Les Bleus uu ku xaqiijistay u soo bixitaankiisa Koobka Adduunka ee 2022.
Haddaba muxuu yahay rikoor uu Mbappe xalay barbareeyey?
>- Afarta goo lee xalay Mbappe dhaliyey ayaa ka dhigtay inuu yahay ciyaaryahankii goolashaas badan hal kulan u dhaliyey xulka muddo 63-sano.
>- Kylian Mbappé waa ciyaaryahankii ugu horreeyey ee afar gool hal kulan u dhaliya xulka Faransiiska tan iyo Just Fontaine oo sidaas oo kale sameeyey bishii June ee sanadkii 1958-kii, kulan ay wajahayeen West Germany, waxaana uu dhaliyey Fontaine kulankaas 4 gool.
>- Mbappe ayaa sidoo kale dhaliyey saddexleeydii ugu horreysay ee dalkiisa, waxaana uu dhaliyey gool, isagoo sameeyey labo caawin saddexdii kulan ee ugu dambeeyey oo uu u ciyaaray xulkiisa France.
>- Ciyaaryahankii ugu dambeeyey ee afar gool ama wax ka badan u dhaliyey xulka Les Bleus waxa uu ahaa Just Fontaine, kaasoo afar gool ugu shubay xulkii West Germany sanadkii 1958, waana muddo haatan laga joogo 63-sano.
>- Ciyaaryahankii ugu dambeeyey ee saddex goo lama wax ka badan tartan rasmi ah xulka France u dhaliya waxa uu ahaa Dominique Rocheteau, kaasoo saddexleey ugu shubay xulka Luxembourg sanadkii 1985-kii.
Gool FM.