(Manchester) 14 Nov 2021. Cadaadiska saaran Tababare Ole Gunnar Solskjaer ee hoggaaminta Manchester United ayaa lagu soo warramayaa inuu sii kordhayo xilli ay kooxda Ingiriiska ka dhisan dadaal badan ku bixineyso sidii ay ku heli lahayd macallin cusub oo ay ku baddesho hoggaamiyaheeda haatan.
Wargeyska Sunday Times ayaa sheegay inay Red Devils dardar gelineyso sidii ay Zinedine Zidane ugu qancin lahayd shaqadeeda si uu baddelo mitidka reer Norway ee ka dhego fureysanaya inuu iska casilo xukunka kursiga looga taliyo Old Trafford.
Warar kala duwan ayaa sheegaya inuusan Zidane dooneyn qabashada xilka macalinnimo ee Man United isagoo sugaya inuu baddelo Mauricio Pochettino haddii laga ceyriyo shaqada Paris Saint-Germain ama macallinka xulka qaranka France ee Didier Deschamps, sidaas darteedna dhaayo uma haayo ka howl-galista naadiga ka ciyaarta horyaalka Premier League.
Si kastaba ha ahaatee, 49-sano jirkan ayaa shaqo la’aan ah wakhtigan isagoo dhammaadkii xilli ciyaareedkii hore ka tagay shaqada naadiga Real Madrid, waxaana uu qayb ka yahay macallimiinta wali lala xiriirinayo inay Solskjaer kala wareegaan shaqada Manchester United haddii la ceyriyo.
Gool FM.