Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

France iyo Belgium oo xaqiijiyay boosaskooda ka qayb-galka Koobka Adduunka ee 2022 xilli Les Bleus ay 8-0 ku adkaatay… (Yaa kale oo soo baxay?)

$
0
0

(Yurub) 14 Nof 2021. Xulalka kubadda cagta ee France iyo Belgium ayaa xaqiijiyay inay iska xaadiriyeen ka qayb-galka Koobka Adduunka ee 2022 lagu qaban doono dalka Qatar iyadoo xulka Faransiiska uu xalay 8-0 ku xaaqay xulka Kazakhstan xilli Kylian Mbappe uu afar gool dhaliyay.

Karim Benzema oo labo gool dhaliyay iyo Adrien Rabiot & Antoine Griezmann oo min hal gool raacsaday ayaa xulka Les Bleus ka saaciday inay gaaraan 15 dhibcood kaddib toddobo kulan oo ay ka ciyaareen guruubkooda D kulammadooda is-reebreebka, waxayna afar dhibcood ka sarreeyaan xulka Finland oo ay kulanka ugu dambeeya la ciyaari doonaan Talaadada.

Dhinaca kale, xulka Belgium ayaa xalay 3-1 ku garaacay Estonia iyadoo ay goolasha ka heshay Christian Benteke, Yannick Carrasco iyo Thorgan Hazard, waxayna ku biireen xulalka xaqiijiyay boosaskooda ka qayb-galka Koobka Adduunka 2022.

Xulka uu hoggaamiyo Macallin Roberto Martinez ayaa guuldarro la’aan ku gaaray booskan waxayna 19 dhibcood uruursadeen kulammadii guruubkooda ee is-reebreebka.

Si kastaba ha ahaatee, xulalka Belgium ku wehliya usoo bixitaanka Koobka Adduunka waxay kala yihiin Brazil, Denmark, France iyo Germany, kuwaasoo carbuuntay ka qayb-galka dhacdada weyn oo lagu balansan yahay bisha November ee 2022 in Qatar lagu qabto.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles