Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Madaxweynaha La Liga oo ku dooday in da’yarka Barcelona ee Ansu Fati uu ka fiican yahay Kylian Mbappe

$
0
0

(Barcelona) 13 Nof 2021. Madaxweynaha horyaalka La Liga ee Javier Tebas ayaa ku andacoonaya in da’yarka Kooxda Barcelona ee Ansu Fati uu ka fiican yahay Kylian Mbappe.

Xiddiga xulka qaranka Spain ee ka soo baxay Akadeemiyadda Barca ee La Masia ayaa lagu abaal-mariyey labarka 10-aad ee Barcelona oo uu ka tagay Lionel Messi.

Ka hor dhaawicii ugu dambeeyay, kaasoo keeni kara inuu garoomada ka maqnaado ilaa saddex isbuuc, Ansu Fati ayaa dhaliyey afar gool iyo isla markaana caawin sameeyey kaliya siddeed kulan oo uu saftay tartmamada oo dhan.

Waxaa jirta sabab loogu tixgeliyo inuu yahay mid ka mid ah da’yarta ugu fiican ee ifisa ciyaarta, taasoo ku kaliftay Barca inay ilaaliso in mustaqbalka uu gacantooda sahal uga baxo, iyadoo u dhiibtay qandaraas cusub oo lagu burburin karo 1 bilyan oo Euro.

Haatan, Madaxweynaha horyaalka La Liga ee Javier Tebas, ayaa ammaanay da’yarka iyo rajada kooxda Barcelona, isagoo sheegay inuu u fiican yahay sida Superstar-ka Kooxda Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappe, haddii uusanba ka fiicnayn.

Isagoo la hadlayey COPE, Tebas ayaa yiri: “Ansu Fati waa uu ka fiican yahay Mbappé, ama ugu yaraan waa heerkiisa oo kale.”

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles