(Manchester) 23 Nof 2021. Kooxda Paris Saint-Germain ayaa doonaysa inay guulo is-xiga ka qaadato Kooxda Manchester City inta lagu guda jiro kulanka habeen dambe oo Arbaco ah ka dhacaya garoonka Etihad ee tartanka Champions League.
Les Parisiens ayaa kooxda uu hoggaamiyo Tababare Pep Guardiola ku soo garaacday 2-0 kulankii labo bilood ka hor ka dhacay Caasimadda Faransiiska, waxaana intii lagu guda jiray kulankaas uu Lionel Messi dhaliyey goolkiisii ugu horreeyey ee kooxda PSG.
Xiddiga lixda goor ku guuleystay abaal-marinta Ballon d’Or ayaa sidoo kale shabaqa soo taabtay isla markaana dhaliyey goolkiisii ugu horreeyey ee horyaalka Ligue 1 kulankii ay wajaheen kooxda Nantes todobaadkii hore, waxaana uu doonayaa inuu markale shabaqooda gaaro Naadiga Sky Blues.
Haddaba waxaan halkaan hoose ku eegeynaa rikoorka uu Lionel Messi ka haysto kooxda Manchester City kulammadii uu wajahay:-
>- Guud ahaan Messi ayaa lix guul ka gaaray, hal guuldarrana kala kulmay todobadiisii kulan ee uu wajahay Kooxda Manchester City.
>- Muddadaas uu Messi wajahay Man City waxa uu ku lug yeeshay sagaal gool, isagoo ka dhaliyey todobo gool, isla markaana ku dhiibay labo goo loo kale.
>- 34-sano jirkaan ayaa todobada gool ee uu ka dhaliyey Man City waxa ay ka dhigan tahay inay tahay kooxda labaad ee Ingiriis ah oo uu goolasha ugu badan kaga dhaliyey tartanka Champions League, kaliyana waxaa ka badan Arsenal oo uu ka dhaliyey sagaal gool.
Gool FM.