(Paris), 01 Maarso 2017 –Cajalkii fadeexadda ahaa ee laga duubay Karim Benzema iyo Mathieu Valbuena ee sababta u noqday in Weeraryahanka Real Madrid uu xulka Faransiiska ka maqnaado muddo sanad iyo saddex bilood ah ayaa arrintaasi haatan la soo geba gebaynayaa.
Tababaraha xulka Faransiiska Didier Deschamps oo la hadlayay wargeyska ‘Le Parisien’ ayaa shaaca ka qaaday in Benzema laga khafiifiyay ciqaabtii saarnayd dibna ugu soo noqon doono xulka Le Blues.
“Waxaan aaminsanahay in ay xulka u wanaagsan tahay in ay dib ugu yeeraan Benzema, kaddib anna waan u yeeri doonaa” ayuu yiri tababaraha 48 sano jirka ah ee Faransiiska.
“Go’aannadeydu waxa ay ku salleysan yihiin dhinaca Isboortiga, waxaan mar walba is weydiiyaa in go’aankani uu maslaxo u yahay xulka” ayuu sii raaciyay macallinka Qaranka.
“Karim weli waa mid ka mid ah weeraryahannada ugu fiican Faransiiska, ma jiro wax aan suurtogal ahayn, Lassana Diarra uma uusan ciyaarin Faransiiska muddo 5 sanadood ah balse mar kale ayuu ku soo laabtay xulka, cidina ma garan karto waxa mustaqbalka dhici doona” sidaa waxaa yiri Deschamps.
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Faransiiska Noel Le Graet ayaa isna horey u sheegay in Benzema Ciqaabtiisu iska socon doonin ee ay dhammaan doonto.
Gool FM