(Paris) 03 Maarso 2017 Laacibka reer Poland ee kooxda PSG ayaa muujiyay sida uu uga caraysan yahay xaalkiisa haatan ee kooxda ka dhisan caasimada faransiiska.
Grzegorz Krychowiak ayaa ka soo dhaqaaqay kooxda Sevilla suuqii xaggaaga isaga oo horay u soo raacay tababare Unai Emery laakiin wuxuu ku fashilmay inuu boos joogto ah ka helo kooxdiisa cusub.
27 jirkaan ayaa sheegay inuu ka caraysan yahay xaalkiisa kooxda PSG balse taasi aysan ku riixi doonin inuu dalbado in la fasaxo dhamaadka xiliciyaareed kan.
“Waxaan ku suganahay xaalad aad u adag, laakiin intabadan ciyaartoyda fiican waa ay soo mareen arinkaan oo kale, hubaal tani ma ahay wixii aan filayay, laakiin waa tijaabo waana inaan ka guulaystaa” ayuu yiri Grzegorz Krychowiak.
“Waan siiwadi doonaa shaqada si aan u helo fursadayda, waxaan isku dayayaa inaan fisho wax fiican, mana haysto dooq aan ka ahayn inaan sifiican u shaqeeyo”.
“Haatan, waa markii iigu horaysay xirfadayda ee aan u dagaalamo inaan boos joogto ah helo, arinkaan waa mid iga caraysiinaya”.
Grzegorz Krychowiak ayaa si cad u sheegay in marnaba uusan ku fikirin inuu katago kooxdiisa PSG.
Gool FM