Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Mudada uu maqnaanayo Neymar Jr kaddib dhaawacii halista ahaa ee soo gaaray oo shaaca laga qaaday

$
0
0

(Paris) 29 Nof 2021. Wargeysyada Faransiiska ayaa daaha ka qaaday inta uu garoomada ka maqnaan doono weeraryahanka reer Brazil ee Neymar Jr, kaddib markii uu dhaawac halis ah soo gaaray intii ay socotay ciyaartii u dhaxeysay Paris Saint-Germain iyo Saint-Etienne.

Neymar ayaa dhaawac ka soo gaaray canqowga lugta bidix, waxayna shaqaalaha caafimaadka si deg-deg ah u soo galiyeen gudaha garoonka si ay ula tacalaan dhaawaca soo gaaray laacibka, halka xiddiga reer Brazil uu garoonka ka baxay isagoo xanuun la ilmeynaya.

Wargeyska Mundo Deportivo ee dalka Spain ayaa kasoo xigtay ilo Faransiis ah in Neymar uu garoomada ka maqnaan doono ilaa iyo 6 toddobaad, sidaas darteedna uusan wax kulan ah la ciyaari doonin Paris inta ka dhiman sanadka 2021, kaasoo heer gabagabo ah ku dhow.

Inkastoo Paris Saint-Germain aysan weli soo saarin war rasmi ah oo ku saabsan dhaawaca Neymar jr, haddana warbixino horudhac ah inuu maqnaan doono muddo bil iyo bar ah.

Halka ciyaaryahanka uu taageerayaashiisa ugu laab qaboojiyay fariin uu ku soo qoray barihiisa rasmiga ah ee baraha bulshada, waxayn fariintiisa ku qorneed sidan:

“Waxaan ku soo laaban doonaa si wanaagsan oo xoogan.”

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles