(Paris) 16 Dis 2021. Kabtanka xulka qaranka Argentina ee Lionel Messi ayaa farriin murugo leh kaga falceliyay kaddib markii uu saaxiibkiis Sergio Aguero oo ku dhawaaqay inuu isaga fariistay ciyaaraha kubadda cagta, sababo la xiriira xaalad caafimaad darro ee soo wajahay.
Sergio Aguero ayaa shalay oo arbaca ahayd shir jaraa’id uu ka soo muuqday wuxuu kaga dhawaaqay inuu gabi ahaanba isaga fariistay ciyaarista kubadda cagta, isaga oo go’aanka gaaray kadib markii la ogaaday inuu jiro xanuun dhanka wadnaha ah.
Haddba Messi ayaa wuxuu soo dhigay boggiisa rasmiga ah ee Instagram-ka farriin murugo leh kaga falceliyay arrintan, wuxuuna yiri:
“Xaqiiqdii, waxaan wada qaadanay safarka xirfadeyda oo dhan Aguero, waxaan ku noolayn waqtiyo aad u qurux badan, iyo waqtiyo kale oo aan aad u qurux badnayn, dhamaantood waxay naga dhigeen inaan inbadan midowno, oo aan noqono saaxiibo isku dhow, waxaan si wadajir ah u sii wadan doonaa waqtiyada quruxda badan ee garoonka banaankiisa ah.”
“Anaga oo aad u faraxsan ayaan kor u qaadnay Copa America dhawaan, iyo dhammaan guulaha aad ka gaartay England, runta waxay tahay inay aad u murugo badan tahay inaan aragno inaad joojiso waxa aad jeceshahay sababa la xiriira waxa kugu dhacay.”
“Waxaa hubaal ah inaad sii wadi doonto farxadda sababtoo ah waxaad tahay qof gudbiya farxadda, kuwa ku jecelna way kula joogi doonaan, hadda waxaa bilaabanaya waji cusub oo noloshaada ah, waxaana ku qanacsanahay inaad ku noolaan doonto. dhoola cadeyn iyo xamaasad aad wax walba galisay.”
Xiddiga kooxda Paris Saint-Germain ee Lionel Messi ayaa wuxuu farriintiisa ku xiray:
“Waxaan kuu rajeynayaa wanaag marxaladan cusub, aad iyo aad baan kuu jeclahay saaxiib, waxaanan aad ugu xiisi doonaa inaan kaala garab ciyaaro garoonka inaga oo mataleyna xulka qaranka.”
Gool FM.