(Madrid) 15 Dis 2021. Xiddiga reer France iyo kooxda Real Madrid ee Karim Benzema ayaa si xiiso leh kaga hadlay kulanka la wada sugayo ee Real Madrid iyo Paris Saint-Germain ay ku wada ciyaari doonaan wareegga 16-ka ee tartanka Champions League.
Kooxda Faransiiska ah ee Paris Saint-Germain ayaa ku soo dhoweynaysa garoonkeeda Parc des Princes naadiga ugu guulaha badan tartankan ee Real Madrid kulanka lugta hore ee wareegga 16-ka Champions League.
Haddaba Karim Benzema ayaa wareysi uu ku bixiyay Barnaamijka Chiringuito ee ka baxa mid ka mid ah TV-yada dalka Spain ayaa waxa uu kaga hadlay kulanka PSG wuxuuna yiri:
“Isku aadka Champions League? Waa inaan guuleysanaa kulan walba haddii aan dooneyno inaan ku guuleysano Champions League.”
Karim Benzema oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu u hanjabay kooxda Paris Saint-Germain, isagoo yiri: “Waan guuleysan doonaa sababtoo ah waxaan dooneynaa inaan ku guuleysano tartanka.”
“Kulanka Real Madrid iyo Paris Saint-Germain waa mid ka mid ah kulammada uu ciyaaryahan kasta doonayo inuu ka qayb galo.”
“Waxaan garaaci doonaa Paris Saint-Germain sababtoo ah waxaan dooneynaa inaan ku guuleysano Koobka ee ma’ahan kaliya inaan gaarno afar dhammaadka.”
Soo jeediyaha Barnaamijka ayaa ku yiri Karim Benzema: “Messi, Mbappe iyo Ramos ayaa jooga Paris, laakiin Real Madrid ayaa heysata ciyaaryahanka ugu fiican Faransiiska, waana adiga.”
Karim Benzema ayaa ugu jawaabay isagoo qoslaya: “Waan ogahay, waan ogahay.”
Gool FM.