(Turin) 20 Dis 2021. Wakiilka caalamiga ah ee Mino Raiola ayaa xaqiijiyay in difaaca kooxda kubadda cagta Juventus ee Matthijs de Ligt uu diyaar u yahay inuu wajaho loollan kale isla markaana uu ka dhaqaaqo Turin xagaaga soo aaddan.
De Ligt wakiilkiisa ayaa shaaca ka qaaday inay daneynayaan loolanno cusub sida horyaalka Premier League, xilli ay xiiso u muujinayaan Chelsea, Manchester City, Manchester United iyo Tottenham Hotspur oo dhammaantood ka ciyaara horyaalka Ingiriiska, waxaana doonista xiddiga reer Netherlands ku wehliya Barcelona iyo Real Madrid oo ka ciyaara La Liga iyo Paris Saint-Germain oo ka dheeshay horyaalka Ligue 1.
“Dhammaanteen waan ognahay kooxaha aan ku sheegi karno inay noqonayaan tilaabada xigta ee Matthijs de Ligt, xagaaga ayaan arkeynaa” ayuu yiri Raiola oo ka hadlayay hadafka kabtankii hore ee Ajax kaasoo baxsad ka ah Bianconeri.
Raiola ayaa intaas ku daray in kooxaha Premier League, Barca, Madrid ama PSG ay u badan tahay inay noqon karaan bar-dhammaadka xiga ee 22-sano jirkan difaaca dhexe ka ciyaara.
Gool FM.