(France) 06 Mar 2017. Zlatan Ibrahimovic ayaa gaaray dalka Faransiiska kaddib markii uu usbuuc adag la qaatay kooxda Man United.
Ibra ayay u badan tahay in goor dambe maanta uu ogaan doono inuu wajihi doono talaabo anshaxa ah kaddib xusulkii uu ku dhuftay Tyrone Mings kulankii Premier League ay bar-baraha 1-1 la galeen kooxda Bournemouth.
Dhaliyaha reer Sweden ayaa dafiray inuu si ula kac ah suxulka ugu dhuftay Mings wuxuuna ciyaarta kaddib wareysigiisa ku sheegay in TV-yada iyo sawirada laga arki karo isla markaana uu joog dheer ku booday iyadoo uu Mings isna ku soo booday suxulkiisa.
Yeelkeede, 35-jirka ayaa la siyay fasax ka hor kulankooda Europe League ay khamiista la yeelan doonaan FC Rostov.
Ibra ayaa u duulay Faransiiska si uu waqti ula soo qaato saaxiibada kooxdiisii hore ee PSG.
Jariiradda Le Parisien ee ka soo baxda Faransiiska ayaa qoreysa inuu habeenkii sabtida uu maqaaxi jabaanees ah casho kula qaatay Maxwell, Marco Verratti iyo Blaise Matuidi.
Gool FM.