(Paris) 21 Dis 2021. Real Madrid macallinkeedii hore ee Zinedine Zidane iyo weeraryahankeeda haatan ee Karim Benzema ayaa lasoo warinayaa inay macquul tahay inay markale wada-shaqeeyaan iyagoo doorkan matalaya kooxda Paris Saint-Germain.
Kooxda ka ciyaarta horyaalka Ligue 1 ayaa la aaminsan yahay inay isu diyaarineyso la’aanta xiddigeeda sare ee Kylian Mbappe iyo macallinkeeda Mauricio Pochettino kuwaasoo si aad ah loola xiriirinayo inay dhammaadka xilli ciyaareedkan faarujiyaan gegada Parc des Princess.
Sida uu baahiyay wargeyska Le10Sport.com oo soo xiganaya Fichajes, PSG ayaa Benzema u aragta baddelka saxda ah ee Mbappe kaasoo beeca xorta ah uga tagi kara dhammaadka xilli ciyaareedkan magaalada Paris maadaama uu qandaraaskiisu dhacayo, halka Zidane uu isna yahay bartilmaameedkeeda koowaad ee baddeli kara macallinkeeda Pochettino oo lala xiriirinayo inuu xagaaga soo aaddan la wareego shaqada joogtada ah ee leylinta Manchester United.
Si kastaba ha ahaatee, qorshaha kooxda ay leeyihiin maal-qabeennada kasoo jeeda dalka Qatar ayaa ah inay markale mideeyaan laacibka iyo macallinka Faransiiska kasoo wada-jeeda kuwaasoo horraan shaqo wacan kasoo qabtay Real Madrid iyagoo si wada-jir ah ugu soo guuleystay tartanka Champions League saddex jeer oo xiriir ah.
Gool FM.