(Munich) 22 Dis 2021. Weeraryahanka kooxda kubadda cagta Bayern Munich ee Robert Lewandowski ayaa qiray inay si gaar ah u taabteen ereyadii uu Lionel Messi ka yiri isaga xafladdii Ballond d’Or ee bishii hore la qabtay.
Messi ayaa markii uu gacanta ku dhigay abaal-marintii Ballon d’Or ee sanadkan 2021 waxaa uu martidii iyo tartamayaashii xafladda ku sugnaa hortooda ka qiray inuu ku faraxsan yahay inuu Lewandowski kula tartammo balaa-marintan sidoo kale laacibka Bayern uu u qalmay abaal-marinta sanadkii hore ee 2020 sidoo kale France Football looga baahan yahay inay siiyaan abaal-marintiisa.
Sidaas darteed, Kabtanka xulka qaranka Poland ayaa qiray inay ereyadaas uu xiddiga Paris Saint-Germain sheegay ay taabteen dareenkiisa, waxaana isagoo la hadlayay The Bild uu yiri: “ereryadii Messi ee igu saabsanaa xaqiiqdii wey i taabteen, ma aysan ahayn ereyo maran, waxayna ii ahayd waqti cajiib u ah xirfaddeyda”.
Waxa uu intaas raaciyay inay isaga iyo laacibka reer Argentina kaliya dhowr kelmad is dhaafsadeen maadaama uu Lewy ku fiicnayn ku hadalka luuqadda Isbaanishka balse uu Kylian Mbappe kula hadlay English si uu tarjumaan ugu noqdo labadooda.
Gool FM.