Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Lionel Messi oo weli la maqan Korona Fayras & Shaqsiga loo haysto inuu qaadsiiyey xanuunkaas oo hadlay kaddib markii ay weerareen taageerayaasha xiddigan reer Argentina

$
0
0

(Paris) 09 Jan 2022. Lionel Messi ayaa weli kooxda PSG kaga maqan KOFID 19, waxaana hadlay shaqsigii loo haystay inuu qaadsiiyey xiddigan xanuunkaas, kaddib markii ay weerar ku qaadeen Jamaahiirta laacibka reer Argentina.

DJ-ga u dhashay waddanka Argentine ee lagu magacaao Fer Palacio ayaa iska fogeeyay eedeyn ay u jeediyeen taageerayaasha weeraryahanka kooxda Paris Saint-Germain iyo xulka Argentine ee Lionel Messi, kuwaas oo DJ-ga ku eedeeyay in uu Feyruska KOFID 19 qaadsiiyay ama ku riday Messi.

Goor sii horreysay ayay ahayd markii PSG ay shaacisay in 4 ka tirsan ciyaartoydeeda oo uu Messi ku jiray uu haleelay xanuunka Korona Fayras.

Dj Palacio ayaa bartiisa Instagram-ka soo dhigay sawir uu la taagan yahay Messi, waxaana wixii waqtigaa ka dambeeyay soo baxay warkii sheegayay in Messi laga helay KOFID 19.

 

View this post on Instagram

 

A post shared by Fer Palacio (@ferpalaci0)

Taageerayaal careysan ayaa ninkaa Muusikiistaha ah ama DJ-ga ah ku eedeeyay in uu cudurka qaadsiiyay ama ku daartay xiddiga todobada jeer ku guuleystay kubadda dahabka ah ee Ballon d’Or.

Ciyaartoyda kale ee PSG ee kala ah Juan Bernat, Sergio Rico iyo Nathan Bitumazala ayaa dhammaantooda laga helay Feyruska Koronaha sida ay kooxda Faransiisku xaqiijisay.

“Markii aan hurdada ka soo toosay waxaan arkay farriimo badan oo isoo gaaray kuwaas oo dadku ay igu eedeynayeen inaan Feyruska Koroonaha u gudbiyay ama qaadsiiyay ciyaaryahan Lionel Messi, qaar baa dadka aad iigu hanjabayay iyagoo igu tilmaamay inaan shirqool u dhigay Messi.” ayuu DJ Palacio u sheegay ‘The Sun’.

Dhanka kale DJ-gan ayaa sheegay in uu Axaddii oo ay taariikhdu ahayd 02 bisha Janaayo maray tijaabo caafimaad maadaama uu u safrayay Uruguay, tijaabadii PCR-ka Korona ayaana noqotay Negative oo wax KOFID 19 lagama helin muusikiistahan.

DJ Palacio waxa uu u mahad celiyay qoyska Messi inay ku casuumaan xafladdan oo ka dhacday dalka Argentina, isla markaana uu Musig u tumay, waxaana uu xusay in wararkaasi suuqa la la wareegayo ay yihiin been abuur.

Waxaa kale oo uu xitaa la wadaagay warbaahinta warqaddii caddeynta ahayd ee tilmaamaysay in uusan qabin wax Feyrus Korona ah.

Dhinaca kale inkastoo ay Kooxda PSG ay goor hore shaacisay in xiddigeeda Lionel Messi uu haleelay KOFID 19, haddana waxa ay dib ka shaacisay in weli uu la maqan yahay xanuunkan, isla markaana waxa uu seegi doonaa kulanka maanta ay kooxdiisu la leedahay Lyon.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles