(London) 11 Jan 2022. Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa wada-xaajood kula jirta naadiga Lyon si ay usoo gaabiso heshiiskii amaahda halka xilli ciyaareed ahaa ee uu Emerson Palmieri ugu dhaqaaqay dhanka naadiga Faransiiska ah.
Kooxda heysata horyaalnimada Yurub ayaa dooneysa inay marka hore Lyon ka dhaadhiciso inay u ceymiso inta ka harsan heshiiska amaahda ah ee Emerson si ay dib ugu soo ceshato inkastoo kooxda xiddiga haatan heysata ay doorasho u leedahay inay diiddo qorshaha Blues.
Hase ahaatee, sida wararka lagu sheegay, Lyon ayaa la tacaaleysa dhibaatooyin dhaqaale oo daran, sidaas darteedna, waxay door bideysaa inay aqbasho yabooha ceymiska ee kaga imaanaya Chelsea isla markaana ay difaaca bidix ee Taliyaaniga ku celiso galbeedka magaalada London.
Si kastaba ha ahaatee, 27-sano jirkan ayaa amaah hal xilli ciyaareed ah ugu biiray Lyon xagaagii lasoo dhaafay isagoo markaas bil kahor xulka Italy kula guuleystay tartankii EURO 2020, balse kooxda Macallin Thomas Tuchel oo la dhibaatooneysa maqnaashaha Ben Chilwell oo dhaawac muddo fog qaadanaya wajahay ayaa dooneysa inay dambeedkeeda bidix dib u hesho.
Gool FM.