(Manchester) 13 Jan 2022. Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa dooneysa inay macallin joogto ah shaqadeeda u dhiibato marka uu dhammaado xukunka ku meel gaarka ah ee Ralf Rangnick dhammaadka xilli ciyaareedkan.
Hase ahaatee, wargeyska Le Parisien ayaa sheegay inay naadiga Man United si hoose oo sir ah ay xiriirro joogto ah ula sameyso macallinka naadiga Paris Saint-Germain ee Mauricio Pochettino tan iyo markii ay ceyrisay macallinkeedii hore ee Ole Gunnar Solskjaer.
Red Devils ayaa sidoo kale la warinayaa inay kala dooraneyso keliya Pochettino iyo hoggaamiyaha naadiga Ajax ee Erik ten Haag, inkastoo tababarihii hore ee Tottenham Hotspur uu yahay musharraxa ugu cadcad ee xilkan la wareegi kara.
Si kastaba ha ahaatee, 49-sano jirka reer Argentina waxaa aad u caawinaya khibradda uu u leeyahay ka shaqeynta horyaalka Premier League maadaama uu soo leyliyay Southampton iyo Tottenham isagoo xitaa Spurs ka caawiyay inay gaarto fiinaalka Champions League xilli ciyaareedkii 2018-19.
Gool FM.