(Yurub) 18 Jan 2022. Waxaa xalay xafladda The Best FIFA Awards lagu qabtay magaalada Zurich ee dalka Switzerland halkaasoo ah xarunta dhexe ee xiriirka kubadda cagta dunida ee magaciisa loo soo gaabiyo FIFA, waxaana xafladda lagu bixiyay abaal-marinno waaweyn oo ay ku jiraan xiddiga ugu wanaagsan FIFA dhanka ragga iyo dhanka dumarka, si la mid ah macallinka labada daraf iyo abaal-marinno kale oo gaar ah sida goolka sanadka ee FIFA.
Waxaa sidoo kale abaal-marinnadii la bixiyay ka mid ah abaal-marin gaar ah oo Cristiano Ronaldo la guddoonsiiyay taasoo uu ku muteystay jebintii rikoorka xiddigii ugu goolasha badnaa ciyaaraha heerka qaran kaddib markii uu dhaafay Ali Daei oo xulka Iran u dhaliyay 109 gool halka CR7 uu qaranka Portugal u dhaliyay 115 gool.
Haddaba aqriste, halkan hoose kaga bogo guud ahaan guuleystayaashii xalay ee xafladdii FIFA The Best 2021:
The Best FIFA Men’s Player – Robert Lewandowski
The Best FIFA Women’s Player – Alexia Putellas
The FIFA Fifpro Men’s World XI: Donnarumma; Dias, Bonucci, Alaba; Jorginho, Kante, De Bruyne; Ronaldo, Haaland, Lewandowski, Messi
The FIFA Fifpro Women’s World XI: Chistiane Endler; Lucy Bronze, Wendy Renard, Mille Bright, Magdalena Erikkson; Estafania Banini, Carli Lloyd, Barbara Bonansea; Vivianne Miedema, Marta, Alex Morgan
FIFA Fan Award – Denmark and Finland Fans
The Best FIFA Men’s Coach – Thomas Tuchel
The FIFA Best Women’s Coach – Emma Hayes
FIFA Fair Play Award – Denmark National Team and Staff
Puskas Award – Erik Lamela
The Best FIFA Men’s Goalkeeper – Edouard Mendy
The Best FIFA Women’s Goalkeeper – Christiane Endler
FIFA Best Special Award – Christine Sinclair
FIFA Best Special Award – Cristiano Ronaldo
Gool FM.