(London) 19 Jan 2022. Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa ku dhawaaqday inay difaaceeda Sead Kolasinac u ogolaatay inuu si xor ah ugu biiro naadiga Marseille.
Naadiga Gunners ayaa si is-fahan uu ku jiro u burburisay qandaraaskii xiddiga reer Bosnia-Herzegovina maadaama uu doonayay inuu ka hayaamo Emirates Stadium xagaagii lasoo dhaafay isagoo sidoo kalena uu haatan heystay dalabaad kaga imaanayay kooxo badan oo ka dhisan qaaradda Yurub, waxayna u ogolaatay inuu si xor ah ugu biiro kooxda Faransiiska ah.
Si kastaba ha ahaatee, 28-sano jirkan difaaca bidix ka ciyaara ayaa heshiis 18 bilood ah u saxiixay naadiga ku ciyaarta garoonka Stade Velodrome, waxaana uu sidaas kusoo gabagabeeyay waayihiisii Waqooyiga London.
Kolasinac ayaa Arsenal u ciyaaray 118 kulan tartammada oo dhan iyadoo 80 ka mid ahna ay yihiin Premier League waxaana uu u dhaliyay shan gool.
Gool FM.