Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Miyuu Neymar Jr ka qayb gali doonaa kulanka Paris Saint-Germain iyo Real Madrid?

$
0
0

(Paris) 29 Jan 2022. Paris Saint-Germain ayaa horaantii todobaadkan ku dhawaaqday in Neymar uu dib ugu soo laaban doono tababarka kaddib muddo dheer oo uu dhaawac ku maqnaa, taasoo sare u qaaday rajada ay taageerayaasha ka qabaan inuu qeyb ka noqon karo kulanka Real Madrid, ee lugta hore wareega 16-ka Champions League.

Neymar ayaa dhaawac canqowga ah ka soo gaaray kulankii ay kooxdiisa la ciyaartay Saint-Etienne, kulan ka tirsanaa horyaalka Faransiiska ee Ligue bishii November, tan iyo markaas ma uusan kala qeyb galin PSG wax kulan ah.

Sida laga soo xigtay wargeyska Isbaanishka ee Marca, weeraryahanka reer Brazil ayaa bilaabay tababarka cawska horaantii isbuucaan, sida lagu sheegay bayaan caafimaad oo ay soo saartay kooxda Paris, laakiin wuxuu weli u baahan yahay waqti iyo diyaargarow badan si uu awood ugu yeesho inuu ka qeyb galo kulammada.

Wargeyska ayaa wuxuu warbixintiisa ku sheegay in Neymar uu haatan kaligiis tababarka qaadanayo, waxaana jira heerar kala duwan ee la maro kahor inta uusan si buuxda u soo kaban, halka labo todobaad iyo bar kaliya ay ka harsan tahay inuu wajaho Real Madrid.

Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in xiddiga Seleção laga yaabo inuu ciyaaro daqiiqado yar kulanka Rennes haddii ay wax wanaagsan ku dhacaan, kaasoola ciyaari doono 4 maalmood ka hor kulanka Real Madrid ee wareega 16-ka Champions League.

Wargeyska Marca ayaana tilmaamay in Neymar uusan 100% diyaar u aheyn inuu ciyaaro kulanka Real Madrid, xitaa haddii uu ku guuleysto inuu ka qeyb galo kulanka, uma badna in isaga lagu tiirsanaan doono.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles