Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Ka hor kulanka Champions League ee Kooxaha PSG iyo Real Madrid, Sergio Ramos oo markale uu dhaawac soo gaaray

$
0
0

(Paris) 30 Jan 2022. Sergio Ramos ayaa la soo warinayaa inuu markale dhaawac soo gaaray xilli uu soo dhow yahay kulanka kooxdiisa PSG ay la ciyaari doonto Real Madrid ee Champions League.

Waxa uu daafaca reer Spain ee Ramos ka dhaawacmay markale muruqa uu dhawaan ka soo kabsaday, xilli uu ku soo wajahan yahay kooxdiisa Paris Saint-Germain kulanka ay qaabilayaan Real Madrid.

Fursadda uu uga qeyb qaadan karo kulankaas ayaa shaki la galinayaa, waxaana markii hore la filayay in Ramos uu ka hortagi karo kooxdiisii hore ee Real Madrid 17 maalmood kaddib marka ay la dheelayaan PSG.

Jariiradda Marca ee ka soo baxda Spain ayaa warinaysa inay adag tahay in Ramos uu ka soo muuqdo kulanka 15 bisha Febraayo ka dhacaya garoonka Parc des Princes, halkaasoo ay ku wada ciyaari doonaan kooxaha Paris Saint-Germain iyo Real Madrid, maadaama dhaawaciisa muruqa ah uu soo laabtay horayna uu u qabay jug dhaawacyo hore ah oo uu garoomada kaga maqnaa.

Waxa uu 35-sano jirkaan bilihii ugu horreeyey ee waayihiisa kooxda PSG ku qaatay dhaawac, waxaana uu todobaadkii la soo dhaafay dhaliyey goolkiisii koowaad ee kooxdiisa cusub ee reer France.

Dhaawacan cusub ayaa la sheegay inuu ku soo gaaray tababarka kooxdiisa Paris Saint-Germain, waxaana Wargeyska Le Parisien ee kasoo baxa magaalada Paris uu warinayaa in Ramos uu ka baxay garoonka tababarka, iyadoo uu tababarku socdo oo ciyaartoyda kale ay qaadanayaan.

Haddii uu Ramos maqnaado lugta hore ee kulanka bisha soo aaddan ee Febraayo waxa uu daafacan reer Spain ku dadaali doonaa sidii uu taam buuxa ugu noqon lahaa lugta labaad ee 9-ka bisha Maarso ay u safri doonaan garoonka Santiago Bernabeu.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles