(Paris) 09 Feb 2022. Waxaa todobaadka soo aaddan soo laaban doona tartanka Champions League oo wareeggiisa 16-ka la ciyaari doona, waxaana kulammada ugu xiisaha badan ka mid ah midka ay Paris Saint-Germain Talaadada asbuuca dambe soo dhoweyneyso naadiga Real Madrid, waxaana il gaar ah lagu hayaa taam ahaanshaha xiddigaha Neymar Jr iyo Sergio Ramos oo ka mid ah xiddigaha ugu muhiimsan kooxda reer France.
Neymar ayaa garoommada dhaawac anqowga kasoo gaaray uga maqan tan iyo bishii November ee sanadkii hore, waxaase uu tababarka kusoo laabtay asbuucan inkastoo shaki badan la gelinayo inuu taam buuxo u noqon karo ciyaarista kulanka ay kooxda PSG wajaheyso Los Blancos isagoo xitaa aanan ciyaari doonin kulanka Ligue 1 ee ay kooxdiisa la ciyaareyso Rennes sida laga soo xigtay wargeyska MARCA oo soo xiganaya majaladda L’Equipe.
Waxaa lasoo warinayaa in fursadda uu 30-sano jirka reer Brazil ugu soo bilaaban karo kulanka Champions League ee asbuuca dambe ka dhici doona Parc des Princess ay aad u yartahay, balse ay suuro gal tahay inuu keydka soo fariisto si uu ugu badnaan daqiiqado yar uga helo ciyaartaas.
Dhinaca kale, kooxda ka dhisan magaalada Paris ee caasimadda Faransiiska ayaa qiimeyneysa xaaladda taam ahaansho ee Ramos oo dhaawac qaba balse doonaya inuu ka hor tago kooxdii uu kabtanka u ahaa ee Real Madrid, si la mid ah waxay qiimeyn doontaa Georginio Wijnaldum iyo Mauro Icardi kuwaasoo haatan dhaawacyo kala duwan garoommada kaga maqan.
Gool FM.