(Manchester) 10 Feb 2022. Naadiga kubadda cagta Manchester United ayaa wali hubanti la’aan ka ah macallinka ay u dhiibaneyso hoggaaminta kooxdeeda iyadoo xubnaha ugu muhiimsan safka kooxda ay doonayaan inuu shaqadan la wareego Macallin Mauricio Pochettino oo haatan hor kacaya Paris Saint-Germain.
Maamulka kooxda Ingiriiska ah ayaa xilka macalinnimo si ku meel gaar ah ugu dhiibay Ralf Rangnick, iyadoo sidoo kale lala xiriirinayo inay xagaaga magacowdo macallin kale, waxaana diiradda u saaran Pochettino iyo hoggaamiyaha naadiga Ajax ee Erik Ten Hag xilli ay xusid mudan tahay in Rangnick qushiisu musharrax yahay.
Si kastaba ha ahaatee, wargeyska ESPN ayaa sheegay inay xiddigaha waaweyn ee Red Devils ay doonayaan in tababaraha PSG uu imaado Old Trafford xagaagan iyagoo macallinka Argentina kasoo jeeda ay u arkaan shaqsiga ku habboon kursiga looga arrimiyo Man United.
Dhinaca kale, inkastoo macallinkii hore ee Tottenham Hotspur uu qandaraas kula jiro kooxda Faransiiska ka dhisan, haddana waxaa la warinayaa in loo oggolaado inuu Parc des Princess isaga tago marka uu dhammaado xilli ciyaareedkan.
Gool FM.