(Paris) 10 Feb 2022. Tababaraha reer Argentina iyo kooxda Paris Saint-Germain ee Mauricio Pochettino, ayaa ka hadlay xaalada xiddiga reer Brazil ee Neymar Jr, isaga oo tilmaamay inuu qeyb ka noqon karo kulanka Real Madrid ee Talaadada soo socota.
Mauricio Pochettino ayaa shir jaraa’id uu ka soo muuqday maanta oo Khamiis ah wuxuu kaga hadlay xaalada xiddigaha Neymar iyo Mbappe, wuxuuna yiri:
“Neymar diyaar uma noqon doono kulanka beri, waan arki doonaa hadii uu ka hortagi karo Real Madrid maalmaha soo socda.”
Tababaraha reer Argentina iyo kooxda Paris Saint-Germain ee Mauricio Pochettino ayaan wali go’aansan ka qayb galka Neymar ee kulanka Real Madrid, wuxuuna hadalkiisa sii raaciyay.
“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan heysano labo goolhaye sida Keylor Navas iyo Gianluigi Donnarumma. Waqtigan xaadirka ah waxaan ka fekereynaa kulanka berri, ka dibna waxaan sidoo kale ka fikiri doonaa doorashada ku habboon ee kulanka Champions League. “
“Kylian Mbappé waa ciyaaryahan ka ciyaari kara boos kasta oo weerar ah, laguma go’aamin karo hal boos, waa in la siiyaa xorriyad uu ku dhaqaaqi karo, taas ayaana jecelnahay, sababtoo ah waa mid wax go’aamin kara, Midig, Bidix iyo dhexdaba.”
“Neymar waxa uu ku soo hagaagayaa tababarka, waxaana hubaal ah in dhamaan ciyaartoyda waa weyn ay doonayaan inay ciyaaraan kulamada waa weyn, wuu garanayaa sida ay noqon doonto xaalada, wuxuuna doonayaa inuu aad u hagaajiyo awoodiisa, si uu ugu sugnaado xaaladaha ugu wanaagsan, marka uu diyaar yahay iyada oo wax Qatar ah aysan ka imaan.”
Gool FM.