Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Waa sidee rikoorka Lionel Messi ee kulammada uu wajahay Real Madrid kahor ciyaarta habeen dambe ee tartanka Champions League?

$
0
0

(Paris) 14 Feb 2022. Weeraryahanka kooxda Paris Saint-Germain ee Lionel Messi ayaa markale ka hor tagaya kooxda Real Madrid oo uu horraan 45 wajahay, balse waxay noqon doontaa markii ugu horreysay ee uu Los Blancos wajaho isagoo aanan u ciyaareyn naadiga Barcelona.

Messi ayaa xagaagii lasoo dhaafay kasoo tagay kooxda Barca isagoo usoo dhaqaaqay PSG, balse naadigiisa haatan ayaa ku aadday Madrid wareegga 16-ka tartanka Champions League iyagoo lugta hore wada ciyaari doona habeen dambe oo Talaado ah.

Si kastaba ha ahaatee, waxaan qormadaan ku eegeynaa rikoorka kabtanka xulka qaranka Argentina ee kulammadii uu ka hor tagay Real Madrid.

Leo ayaa Real Madrid ka hor tagay 45 kulan waana in ka badan inta uu wajahay naadi kale, kulankiisii 46-aad ayuuna noqon doonaa kan habeen dambe, waxaana uu si toos ah ugu lug yeeshay 40 gool isagoo dhaliyay 26 gool halka uu caawin ka geystay 14 kale kulammadii uu Los Blancos la ciyaaray.

26-kaas gool ayaa ka dhigan inuu Messi yahay xiddiga goolasha ugu badan ka dhaliyay El Classico iyadoo loo arko rikoorkan mid ay macquul tahay in la jebin waayo, dhinaca kale, kaliya Sevilla, Atletico Madrid, Valencia iyo Athletic Bilbao ayuu ka dhaliyay goolal ka badan inta uu kooxda caasimadda Spain ka dhisan ka dhaliyay.

Sidoo kale, keliya kooxaha Sevilla, Levante iyo Getafe ayuu ku diiwaan galiyay caawin ka badan inta uu caawiyay kulammada uu ka hor tagay Real Madrid.

Dhinaca kale, Messi ayaa 14 jaalle qaatay kulammada uu la ciyaaray Real Madrid, waana kooxda uu kulammadeeda ku qaatay jaalleyaasha ugu badan balse jaalleyaashaas midkoodna ma uusan sababin casaan ciyaarta looga saaro.

Isku soo wada duub e, 34-sano jirka kasoo baxay kulyadda La Masia ayaa garaacay Los Blancos 19 ka mid ah 45-kii kulan ee uu horay u wajahay, waxa uu la galay 11 barbarro halka uu 15 guuldarro kala kulmay – taasoo ka dhigan inuu 42% guul gaaray kulammadii uu wajahay naadiga ugu hanashada badan horyaalka La Liga.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles