(Yurub) 25 Feb 2021. Xiriirka Kubadda Cagta Yurub ee (UEFA) ayaa maanta oo Jimco ah go’aamiyay in kulanka ugu dambeeya ee finalka Champions League xilli ciyaareedkan loo wareejiyo caasimadda Faransiiska ee Paris.
Kulanka ugu dambeeya ee finalka Champions League xilli ciyaareedkan ayaa lagu ciyaari doonaa garoonka Stade de France 28-ka May.
Xiriirka Kubadda Cagta Yurub ee (UEFA) ayaa waqti hore ku dhawaaqay in ciyaarta lagu qaban doono garoonka Gazprom Arena ee St. Petersburg, balse waxaa la go’aamiyay in ciyaarta laga soo wareejiyo dalka Ruushka.
Garoonka Stade de France ayaa marti galin doona finalka tartanka Champions League markii saddexaad kaddib sanadihii 2000 iyo 2006.
Waxaa xusid mudan in ay tahay markii saddexaad oo xiriir ah oo la go’aamiyo in laga soo wareejiyo finalka goobta uu ka qabsoomi lahaa, iyadoo laba jeer ee horey loo areejiyay sababo la xiriira xanuunka Korona Fayras.
Gool FM.