Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Horudhac: Real Madrid vs Paris Saint-Germain, Manchester City vs Sporting CP… (Waa sidee taariikhda Los Blancos ee kasoo laabashada guuldarrada lugta hore tartanka UCL?)

$
0
0

(Madrid) 09 Maarso 2022. Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa caawa dooneysa inay qabato shaqo adag oo ku aaddan inay usoo gudubto wareegga rubac-dhammaadka tartanka Champions League marka ay soo dhoweyso naadiga Paris Saint-Germain kulanka lugta labaad ee wareegga 16-ka.

PSG ayaa kulankii lugta hore 1-0 kusoo adkaatay, waxaana ay u baahan tahay ugu yaraan inay barbarro hesho ama ay guuleysato si ay ugu soo baxdo wareegga xiga halka Los Blancos ay u baahan tahay kaliya guul farqigeeda uu yahay labo gool ama wax ka badan.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Yurub – Champions League

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 11:00 Habeennimo xilliga Geeska Afrika.

Garoonka: Estadio Santiago Bernabeu

Garsooraha: Danny Makkelie (Netherlands)

Wararka Kooxaha:

Kooxda Real Madrid ayaa dib u heleysa xiddigaheeda khadka dhexe ee Toni Kroos iyo Federico Valverde kuwaasoo dhaawacyo kaga maqnaa ciyaartii horyaalka La Liga ee asbuucan, balse waxaa ka maqnaan doona Casemiro iyo Ferland Mendy oo ganaax ku seegaya kulanka caawa.

Dhinaca kale, Paris Saint-Germain ayaa mar kale weyneysa xiddigeeda Sergio Ramos oo aanan dhaawac awgii kaga hor tagi karin kooxdiisii hore, balse waxaa ciyaarta taam u ah Kylian Mbappe oo uu dhaawac dhawaan kasoo gaaray tababarka.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:

Real Madrid ayaa la reebay sagaal ka mid ah 10-kii is arag ee ugu dambeysay tartanka UEA Champions League marka lasoo garaaco kulanka lugta hore.

PSG ayaa iyaduna dhankeeda tartanka horyaallada Yurub saddex ka mid ah siddeedii is-arag ee ugu dambeysay marka ay lugta hore guuleysato.

Dhinaca kale, PSG ayaa kaliya hal guul soo gaartay siddeedii ciyaarood ee ugu dambeysay Champions League oo ay booqatay kooxaha dalka Spain ka dhisan, labo barbarro iyo shan guuldarro ayaana u raacsan.

Shaxda macquulka ah ee labada koox:-

Real Madrid:

Paris Saint-Germain:

Manchester City vs Sporting CP

Naadiga Manchester City ayaa 5-0 kusoo xaaqday kooxda Sporting CP kulankii lugta hore weliba iyadoo marti ah, waxaana ay heysataa fursad ah 99% inay u gudubto wareegga rubac-dhammaadka tartanka Champions League.

Shaxda macquulka ah ee labada koox:-

Manchester City:

Ederson; Stones, Fernandinho, Laporte, Zinchenko; Gundogan, Rodri, Silva; Mahrez, Jesus, Sterling

Sporting CP:

Adan; Reis, Coates, Inacio; Porro, Ugarte, Essugo, Vinagre; Sarabia, Slimani, Edwards

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles