(Manchester) 16 Mar 2022. Manchester City ayaa lagu soo warramayaa inay isku dayi karto inay si lama filaan ah ula wareegto xagaagan Weeraryahanka Kooxda Paris Saint-Germain Neymar Jr.
30-sano jirkaan ayaa xilli ciyaareedkii 2021-2022 waxaa dhaawac uu ka soo gaaray canqowga, iyadoo ay ku ooriyeen taageerayaasha kooxdiisa ciyaartii horyaalka Ligue 1 ee todobaadkan ay guusha ka gaareen Bordeaux, inkastoo uu shabaqa soo taabtay.
Neymar ayaa si joogta ah loola xiriirinayay inuu ku laabanayo kooxdiisii hore ee Barcelona sanadkii hore, inkastoo u dhaqaaqistiisa uu ku guuldarreystay, qandaraaskiisa haatan ee garoonka Parc des Princes ayaanan dhici doonin ilaa dhammaadka xilli ciyaareedka 2024-25.
Si kastaba ha noqotee, warbixin dhawaan soo baxday ayaa lagu sheegay in PSG ay aad u doonaysay inay ka takhalusto Neymar xagaagan, Warsidaha Fichajes ayaana haatan sheegaya in tababaraha Kooxda Man City ee Pep Guardiola uu jeclaan lahaa inuu xiddiga reer Brazil keeno garoonka Etihad.
Wararku waxa ay intaa ku darayaan in Barcelona iyo Newcastle United ay kula xifaaltami karaan kooxda haysata horyaalka Premier League saxiixa Neymar, inkastoo uu ku qasban yahay inuu wax weyn ka bedelo mushaharkiisa si uu dib ugu laabto Blaugrana.
Neymar ayaa loo diiwaan galiyay shan gool iyo shan caawin 20 kulan oo uu ciyaaray tartammada oo dhan xilli ciyaareedkan, taasoo ka dhigeysa wadarta guud inuu dhaliyey 92 gool, isla markaana uu sameeyey 57 caawin 136 kulan oo uu u saftay Les Parisiens.
Gool FM.