(Yurub) 17 Maarso 2022. Kulammada lugta labaad ee wareegga 16-ka tartanka UEFA Europa League ayaa caawa lagu ciyaari doona garoommo dhowr ah oo ku yaalla qaar ka mid ah dalalka qaaradda Yurub, waxaana kulammada ugu xiisaha badan ka mid ah midka ay Sevilla booqaneyso naadiga West Ham oo ay ciyaartii hore kasoo adkaatay iyo kulanka Galatasaray ay marti qaadeyso Barcelona.
Dhammaan 16-ka naadi ee wareeggan soo gaaray ayaa caawa ciyaari doona, waxaana siddeeda naadi ee soo baxa qori tuurka wareegga rubac-dhammaadka loo sameyn doonaa berri oo Jimce ah taariikhduna tahay 18-ka bisha Maarso.
Haddaba halkan hoose kaga bogo guud ahaan kulammada lugta koowaad ee wareegga 16-ka tartanka Europa League:-
08:45 Fiidnimo – Bayer Leverkusen vs Atalanta
08:45 Fiidnimo – FK Crvena Zvezda vs Rangers
08:45 Fiidnimo – Galatasaray vs Barcelona
08:45 Fiidnimo – Monaco vs SC Braga
11:00 Habeennimo – Eintracht Frankfurt vs Real Betis
11:00 Habeennimo – Lyon vs FC Porto
11:00 Habeennimo – Spartak Moscow vs RB Leipzig
11:00 Habeennimo – West Ham United vs Sevilla
FG: Dhammaan saacadaha ku xusan kulammadaan waa xilliga geeska Afrika.
Gool FM.