(Yurub) 17 Maarso 2022. Waxaa xalay lasoo gabagabeeyay wareegga 16-ka tartanka Champions League xilli ciyaareedkan 2021-22 iyadoo ay soo baxeen siddeed naadi oo ku tartami doona wareegga Quarter-final-ka tartanka horyaallada Yurub.
Haddaba qoraalkan ayaan ku eegi doonnaa kooxaha soo baxay, xeerarka kala ilaalinaya, xilliga isku aadka la sameynayo iyo xilliga la ciyaari doono wareegga rubac-dhammaadka Champions League.
Goormee la sameyn doonaa isku aadka?
Isku aadka wareegga rubac-dhammaadka tartanka Champions League ayaa lagu qaban doonaa magaalada Nyon ee dalka Switzerland 18-ka bishan Maarso oo ku beegan berri oo Jimce ah marka saacadda bartamaha Yurub ay dul istaagto 12:00 duhurnimo markaas oo geeska Afrika ka tahay 2:00 duhurnimo.
Waa kuwee siddeeda naadi ee isku soo haray, kooxahee ayaana la kala ilaalin doonaa?
Liverpool, Bayern Munich, Manchester City, Real Madrid, Atletico Madrid, Benfica, Chelsea iyo Villarreal ayaa isku soo xaadiriyay waeeggan, mana jiri doono xeer ama sharci kala ilaalin doono, sidaas darteed, waxaa isku aadi doona kooxaha isku dalka ka dhisan iyo guruubka kasoo wada baxay.
Goormee la ciyaari doonaa kulammada wareegga rubac-dhammaadka tartanka UCL?
Kulammada lugta hore ee wareegga siddeed-dhammaadka tartanka Champions League ayaa la ciyaari doonaa 5-ta iyo 6-da April halka kulammada lugta labaadna la ciyaari doono 12-ka iyo 13-ka isla bisha April oo ku beegan asbuuc kaddib kulammada lugta hore, waxaana habeen walba dhici doono labo ciyaar oo isku xilli soo galaya.
Goormee la ciyaari doonaa kulammada wareegga nus-dhammaadka tartanka Champions League?
Wareegga afar-dhammaadka tartanka horyaallada Yurub kulammada lugta koowaad ayaa la ciyaari doonaa 26-ka iyo 27-ka April iyadoo kulammada lugta labaad la ciyaari doono 3-da iyo 4-ta bisha May.
Goormee la ciyaari doonaa fiinaalka tartanka Champions League, halkee ayaana la ciyaari doonaa?
Marti-gelinta fiinaalka tartanka Champions League xilli ciyaareedkan ayaa ku jadwaleysnaa in lagu qabto dalka Ruushka balse weerarkii dowladda Russia ay ku qaadday deriskeeda Ukraine ayaa sababtay in xiriirka kubadda cagta qaaradda Yurub ee UEFA uu go’aansado inuu fiinaalka u wareejiyo garoonka Stade de France ee magaalada Paris waxaana la ciyaari doonaa 28-ka bisha May.
Marka uu dhammaado isku aadka wareegga rubac-dhammaadka tartanka Champions League, waxaa xigi doona isku aadka wareegga rubac-dhammaadka ee tartammada Europa League iyo Europa Conference League kuwaasoo qabsoomi doona 13:00 xilliga geeska Afrika.
Gool FM.