(Paris) 21 Mar 2022. Kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain ayaa hor istaagi doonta Lionel Messi iyo Sergio Ramos inay baxaan.
Jariiradda Marca ee ka soo baxda Spain ayaa warinaya in Kooxda Paris Saint-Germain ay ka hor istaagi doonto ku soo laabashada Barcelona iyo Real Madrid ee Lionel Messi iyo Sergio Ramos.
Wararka ayaa sheegaya in labada ciyaaryahan ay aad u doonayaan inay dib ugu laabtaan kooxahoodii hore kaddib markii ay xaaladuhu ku adkaadeen sanadkii ugu horreysay ee Faransiiska.
Laakiin kooxda ku ciyaarta garoonka Parc des Princes ayaa u aragtaa labadaan xiddig inay dahab u yihiin kooxdooda, waana ay ka hor joogsan doonaan inay fasaxaan si ay ugu kala biiraan Barca iyo Real.
Gool FM.