(Paris) 22 Maarso 2022. Sida lagu helayo wararka ka imaanaya dalka Faransiiska, qolka lebiska ee kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germian ayaa u kala qaybsamay labo dhinac kaddib qaab-ciyaareedkii liitay ee dhowaanahan.
Kooxda ka ciyaarta horyaalka Ligue 1 ayaa xaalad adag dhexda ka gashay bishan iyadoo si lama filaan ah uga soo hartay tartanka Champions League markaasoo ay cashar kasoo qaadatay kooxda Real Madrid, waxaana xaaladda uga sii daray guuldarradii ay toddobaadkan kala kulantay kooxda Monaco oo kaalinta toddobaad ka fadhisa kala sarreynta horyaalka Faransiiska.
Sida laga soo xigtay wargeyska RMC Sport, qolka lebiska naadiga PSG ayaa u kala jabay labo garab oo kala ah xiddigaha kasoo jeeda Koonfurta Ameerika oo isku dhinac ah iyo xiddigaha ku hadla luuqadda Faransiiska oo iyagana dhinac ah.
Sida laga soo xigtay shaqsi si aad ah ugu dhow qolka lebiska kooxda, kala-qaybsanaantan ayaa timid kaddib natiijadii fool-xummada ahayd ee kusoo gaartay garoonka Stade Louis-II markaas oo ay guuldarro 3-0 ah kala kulantay kooxda Monaco oo ay xafiiltamaan.
Sida lagu helayo wararka, xaaladdan kala qaybsanaanta ah ayaa burburisay guud ahaan guud ahaan midnimadii safka kooxda waxaana kulankii ugu dambeeyay la arkayay inaysan xiddigaha si isku mid ah uga fal-celineyn markii khalad lagu galo xiddigaha kooxda, waxaana kala duwanaa sida ay xiddigaha u hareereeyeen garsooraha markii khalad lagu sameeyay Neymar iyo sida ay uga gudbeen markii khalad lagu sameeyay Achraf Hakimi.
Waxaa lasoo warinayaa inuu Hakimi xiriir xooggan la leeyahay Kylian Mbappe taasna ay u wacan tahay in xiddigaha Koonfurta Ameerika ka dhaqaaqaan, si walba ha noqotee, Macallin Mauricio Pochettino oo qudhiisa lala xiriirinayo ka hayaamidda PSG ayaa ay hor taallaa shaqo adag oo ah inuu dib u mideeyo xiddigahiisa isla markaana uu agaasin fiican u sameeyo qolka lebiska.
Gool FM.