Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Rivaldo oo xiddigaha PSG ee Neymar iyo Messi usoo jeediyay talo ku aaddan mustaqbalkooda

$
0
0

(Paris) 23 Maarso 2022. Xiddigaha weerarka uga ciyaara naadiga Paris Saint-Germain ee Neymar Jr iyo Lionel Messi ayaa dhexda kaga jira xaalad hubanti la’aan ah iyadoo shaki weyn laga qabo mustaqbalkooda kaddib markii ay ka hoos mareen heerkii laga filayay taasna ay keentay in taageerayaasha kooxda ay ku orriyaan labadan laacib.

Rivaldo Discusses the Futures of Neymar and Messi at PSG - PSG Talk

Cadaadiska saaran weeraryahannadan ayaa yimid kaddib markii ay PSG ku hartay wareegga 16-ka tartanka Champions League iyadoo guuldarro 3-2 ah kala kulantay naadiga Real Madrid wadarta labada lug, taasna waxay keentay in xiddigahan looga gacan haatiyo kooxo kale, balse halyeyga xulka qaranka Brazil ee Rivaldo ayaa Messi iyo Neymar usoo jeediyay inay joogaan kooxdooda, cillad walbana ay hagaajiyaan.

“Ma fududa inay taageerayaashaada kugu orriyaan balse waa wax ku dhaca ciyaartoyda waaweyn marmar, weliba marka ay taageerayaasha wax badan ka filayaan ciyaartoyda heerkan oo kale ah, taageerayaasha PSG waa ay dhaawacan yihiin iyadoo aan ognahay sida ay u sugayaan hanashada Champions League markoodii ugu horreysay, marka aad lasoo saxiixatid Neymar iyo Lionel Messi, niyad-jab ayay sii yeelaneysaa inaad horraanta xilli ciyaareedka ka harto tartankan” ayuu yiri Rivaldo oo la hadlayay Betfair.

Si kastaba ha ahaatee, weeraryahannadii hore ee Barcelona ayaa mudan dhaliisha loo soo jeedinayo maadaama ay yartahay wax-qabadkooda maadaama kabtanka xulka qaranka Argentina uu dhaliyay kaliya toddobo gool isagoo caawiyay 11 kale guud ahaan tartammada tan iyo markii uu Parc des Princess usoo dhaqaaqay, halka 30-jirka reer Brazil uu isna dhaliyay kaliya shan gool waxaana u raacda shan caawin dhammaan tartammada uu PSG u saftay xilli ciyaareedkan.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles