Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Jordi Alba oo ka hadlay mustaqbalka Dembele, imaanshaha Mbappe iyo Haalad ee horyaalka La Liga & arrimaha Lionel Messi

$
0
0

(Barcelona) 24 Maarso 2022. Difaaca dambeedka bidix uga ciyaara naadiga Barcelona ee Jordi Alba ayaa tilmaamay inay kooxdiisa waajib ku tahay inay qandaraaska u kordhiso xiddiga garabka ka ciyaara ee Ousmane Dembele kaasoo muddooyinkii dambe sameynaya qaab-ciyaareed il-qabad leh.

Laacibkan 24-sano jirka ah ayaa tan shantii kulan ee lasoo dhaafay sameeyay toddobo caawin isagoo dhaliyay hal gool balse taasi ma xaqiijineyso mustaqbalkiisa maadaama uu haatan galay 100-kii maalmood ee ugu dambeeyay qandaraaskiisa garoonka Camp Nou.

“Waxay ila tahay inay cusbooneysiiyaan, waana mid ka mid ah xiddigaha ugu wanaagsan booskiisa illaa haatan” ayuu Alba u sheegay TV-ga El Larguero.

Difaaca reer Spain ayaa intaas ku daray inuu Dembele haatan dhiirran yahay isla markaana uu rajeynayo inuu sii joogo Barca.

Dhinaca kale, Alba ayaa la weydiiyay fikirkiisa ku aaddan in Erling Haaland oo ka tirsan Borussia Dortmund iyo xiddiga Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappe lagu wado inay usoo dhaqaaqaan horyaalka La Liga xagaagan.

“Mbappe waa waalli, waxaana uu tayadiisa soo bandhigay markii uu kahor tagay Real Madrid, Haaland isna waa da’yar dhalin kara goolal badan” ayuu hadalkiisa ku billaabay, waxaana uu sii raaciyay: “balse Borussia Dortmund iyo Paris Saint-Germain la mid ma’ahan Camp Nou ama Bernabeu”.

Ugu dambeyn, 33-sano jirkan ayaa ka hadlay ka tagistii Lionel Messi uu kaga dhaqaaqay Barcelona xagaagii lasoo dhaafay markaasoo uu bilaash ugu biiray naadiga PSG, waxaana uu xiddigii hore ee Valencia qiray inuu markale jeclaan lahaa la ciyaarista La Pulga.

“Waa ciyaaryahanka aan u arko inuu yahay midka ugu fiican, waana jeclaan lahaa inaan markale u wada ciyaarno Barcelona, ma aysan ahayd mid u fudud isaga ama qof kale kaddib sanado badan inuu u dhaqaaqo Paris, wayna adag tahay inaan ku aro funaanad kale” ayuu yiri Alba.

Si kastaba ha ahaatee, Jordi Alba ayaa Messi ku tilmaamay inuu yahay xiddiga ugu wanaagsan kubadda cagta shaki la’aan waxaana uu sheegay inay wali wax badan u harsan yihiin halyeyga Barcelona.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles