Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

LA YAAB… Barcelona oo u dhaqaaqeysa inay Kylian Mbappé ka afduubato Real Madrid

$
0
0

(Paris) 25 Maarso 2022. Wargeyska L’Equipe ee dalka France ayaa soo wariyay in kooxda reer Spain ee Barcelona ay qorsheyneyso inay la soo wareegto weeraryahan reer France iyo kooxda Paris Saint-Germain Kylian Mbappé, inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaaga.

24 jirka reer France ee Kylian Mbappé qandaraaska uu kula jiro Paris Saint-Germain wuxuu dhacayaa xagaaga soo aadan, wuxuuna xaq u leeyahay inuu la saxiixdo koox kale, marka uu dhamaado xilli ciyaareedkaan.

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa ah musharaxa ugu cad cad ee gacanta ku dhigi karta adeega Kylian Mbappe.

Laakiin waxay u muuqataa in Barcelona ay shaqada ku adkayn doonto Real Madrid iyaga oo u dhaqaaqi doona saxiixa Kylian Mbappé xagaaga dambe.

Wargeyska L’Equipe ayaa tilmaamay in Barcelona ay qorsheyneyso isku day xiiso leh oo ay ku dooneyso inay Mbappe kaga afduubato Real Madrid, iyadoo xiddiga Paris Saint-Germain haatan loo arko mid ka dhaqaale badan Erling Haaland, kaasoo sidoo kale ka mid ah bar-tilmaameedyada Barca.

Wargayska ayaa tilmaamay in maamulka Barcelona ay aaminsan yihiin in heshiiska Mbappe uu dhaqaale ahaan ka fiican yahay Erling Haaland, kaas oo laga yaabo in ay khasnadda kooxda kaga baxdo ku dhawaad ​​300 million euros.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles