(Paris) 26 Maarso 2022. Weeraryahanka kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain ee Lionel Messi ayaa tilmaamay inuu wax badan dib uga fikiri doono marka uu soo dhammaado Koobka Adduunka ee sanadkan 2022 lagu qaban doono dalka Qatar.
Messi ayaa xalay gool u dhaliyay xulkiisa Argentina ciyaar ka tirsaneyd is-reebreebka Koobka Adduunka oo ay xulka Venezuela kaga adkaadeen 3-0 inkastoo goor hore ay xulkiisu soo baxeen, waxaana uu ciyaarta kaddib ka hadlay arrimo la xiriira waayihiisa ciyaareed kaddib Koobka Adduunka ee bilaha dambe ee sanadkan la ciyaari doono.
“Kaddib Koobka Adduunka, waxaan rabaa inaan dib ugu fekero waxyaabo badan” ayuu Messi yiri isagoo aanan si faah-faahsan u sheegin waxa uu doonayo inuu dib uga fikiro.
Si kastaba ha ahaatee, 34-sano jirkan ayaa waqti ciyaareed adag ku jira dhanka heerka kooxeed isagoo dhaliyay kaliya toddobo gool xilli ciyaareedkan kulammadii uu PSG u saftay dhammaan tartammada, taasna ay keentay inay taageerayaasha kooxda reer France ku orriyaan isagoo garoonka ku jira, waxaana arrintaas ka dhashay shaki weyn oo la xiriira mustaqbalkiisa.
Gool FM.